Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiisay isbitaalka Dhooleey ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku nool yihiin qoysas uu saameeyay fatahaado halkaasi ku dhuftay.

Wafiga ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada, iyadoo soo dhaweyn kaddib u kuurgalay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Degmada.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacab lagana soo doortay deegaanada Jubbaland oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in daadad ka dhashay roob mahiigaan ah uu saameyn xoogan ku yeeshey bulshada  ku nool Gobolka Jubbada Hoose.

“Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka iyo xubno ka socady Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo aan qeyb ka ahaa ayaan kormeer ku tegnay Degmada Dhoobley, waxaana soo booqanay meelaha ay dadka barakacayaasha deganyihiin, kormeer kaddib waxaan wadnay daawo lix tan ah oo aan ugu talagalnay Isbitaalka, runtii dad ay saameysay fatahaada ayaa halkan ku nool”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Ismaaciil.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa oo ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaranka ayaa sheegay in hay’adaha gargaarku dhaqso uga howl geli doonaan Dhoobley, si gurmad balaaran loo gaarsiiyo bulshada ku dhibaateysan Dhoobleey.

“Waan idinka soo daahnay, wixii soo daaho ayaa kheyr ku jira, maanta ayaan go’aansanay inan idin soo gaarno., waxbaan ka qaban doonaa hay’adaha halkan ka maqan inay si deg deg ah u soo noqdaan, Waxbarashada Caafimaadka inaad heli doontaan ayaan rajeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY