Kulakaan lagu Casuumay Aqoonyahan #Jibriil #Ibrahin #Abdulle ayaa lagu qabtay Magaalada istanbuul kasoo ay kasoo qayb galeen Arday soomaliyeed ka kala yimid Gobolada Dalka Turkiga,
Munaasabad ay soo qabqabn qabiyeen ururka Somali Voices. Ardayda . jaaliyada , iyo Ganacsatada ayaa lau qabtay istanbuul 03 june 2016 .waxana marti ku ahaa Mudane Jibriil ibrahin abdulle oo ah aqoonyahan soomaaliyeed kudhowaad 20 sano kasoo shaqeeyay arimaha bulshada , dib u heshiinta , xog-ogaalna u ah xaalada guud ee soomaaliya ,,,
Dhoorka dhalinyarada ka qaadan karaan Mustaqbalka dhow aayaa looga hadlay . kadib waxbintiisa ku aadaneed soomaaliya Mudane Jibriil ibrahim Abdulle , Suaalo ayaa lagu waydiiyay Madasha isagoona uga wada jawabay dhamaan dhalinyarada Jalaiyada ardayda Ganacsatada . kulankaan ayaa soo dhamaaday si heersare ah , wana Munaasabadii ugu horeysey ee ururada / ardayda / jaaliyada / ganacsatada Wada socda ku casuumaan Siyaasi soomaaliyeed .
Jibriil ibrahin abdulle soo dhowoo Waad ku Mahasantahay sida sharafta leh ee aad usoo ajiibtay Codsiga iyo rabitaanka jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Turkiga ,,, Waxaa Yiri Gudoomiyaha Ganacsatada Turkiga Abdirahman Cagaweyne mar uu la hadlayay Shabakada somalionlinemedia.com oo joog ku ahayd madasha shirka kasocday,
Waxana halkaasi Mudane Jibriil Ibrahin shahaado sharaf ku gudoonsiiyay gudoomiyaha Ururka Somali Voice Mr Hashim , tasuu ku muteestay waqtiga qiimaha leh uu siyay ardayda iyo jaaliyada dhamaan dhalinyarada kusugan Turkiga ee uga kala yimid gobolada kala duwan ee Turkiga.
Istanbul Turkey
WQ Kamal Hassan Hussein














