Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo deeq lacageed ku wareejisay Xafiiska SNTV ee Yurub

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo howlo shaqo u joogto Qaaradda Yurub ayaa lacag ay ugu talagashay in wax loogu qabto dhinaca qalabka Xafiiska Warbaahint Qaranka uu ku leeyahay bartamada Yurub.

Wasiir Khadiija oo ka hadashay deeqda ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay isu gurmadaan meelkasta oo ay joogaan.

“Halkan wax weyn kuma jiraan, daruufaha ugu weyn maalin dhaweyd ayaan arkay wixii aan wax ka qaban karo, kun dollar waa waaye waana kaalmo aan ugu talagalay xafiiska SNTV ee bartamaha Qaaradda Yurub ee iga guddooma, ujeedka aan u bixinayo waa ka warqabka  dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka meelkasta oo ay dunida ka joogaan sida ay uga go’antahay soo gudbinta iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed. “Isku xirka danaha shacabka iyo dowladda waa muhiim, xaqiiq waxa aad bulshada u gudbineysaan waa wax aad u muhiimsan, Alle ha idin barakeeyo, waan dareemi karaa daruufta aad ugu adeegeysaan bulshada, waana gaarsiin doonaa marxaladda aad ku shaqeyneysaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo aan saaxiibo dhaw nahay, idinkuna sii xoojiya soo tebinta dhacdooyinka Yurub” ayay Wasiir Khadiija hadalkeeda ku soo gebo gabeysay

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY