Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in shir Calami ah lagu qaban doono Dhawaan Muqdisho

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke oo shirkan jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta shirka caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka Arrimaha

Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, kaas oo 29-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho, Waxa uu intaa raaciyey in weerarrada Argagixisada ay ka geysteen Magaalada Muqdisho in aanan loo baajin doonin horumarka iyo Hore socodka Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa yiri
“Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho”
Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa digniin culus u diray kuwa ka dambeeya weerarrada argagixiso, waxa uu intaa raaciyey in argagixisad aysan ka carari Karin Awoodda Ciidamadda.
“dhawaan gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in weli ay ka soo laaban karaan fikirka lagu marin-habaabiyey”. Ayuu markale Yiri Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysay in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan shirar caalami ah, waxaana ay weli dowladdu isu diyaarineysaa sidii ay u martigelin lahayd shirka looga Arrinsanayo qorshaha Dowladda Federaalka mudadan u hartay ay qaban doonto, kuwaas oo ay argagixisadu damcayaan in ay is hortaagaan iyagoo adeegsanaya weerarro argagixiso.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY