Shabaab oo digniin u jeediyay dadka ku nool caasimada Muqdisho+kala carar ka bilowday hoteelada

 

Xoogaga Al Shabaab ayaa waxa ay digniin u direen dadka ku nool Magaalada Muqdisho oo ay kaga digeen inay u dhawaadaan xarumaha Dowladda Federalka Somalia iyo Hoteelada, xilli shalay weerar culus Muqdisho ay ka geysteen Al Shabaab.
Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa sheegay weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho inaysan jecleyn inay dhibaato kasoo gaarto dadka shacabka ah.
Wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho dhowr mar ay uga digeen inaysan u dhawaanin xarumaha Dowladda iyo Xarumaha Qaramada Midoobay hadana ay ku celinayaan markale inaysan u dhawaan goobahaasi.
“Waxana leenahay shacabka Muslimiinta ee ku nool Magaalada Muqdisho in badana waan ku cel-celinay ma jeclin inay xagtin idin kasoo gaarto camaliyada Istaashiyadada aan ka geysanayno Magaalada Muqdisho, walaalaheen waxaan leenahay ka fogaada xarumaha Dowladda, Hoteelada iyo Xarumaha UN-ka.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay inay jiraan hoteelo Magaalada Muqdisho ku yaallo oo magaca Hoteelo ka ah, balse ay degan yihiin sida uu yiri Saraakiil ciidan oo Cadaan ah.
Qaraxyada ay ka geystaan Magaalada Muqdisho Ururka Al Shabaab ayaa dhibaatada ugu badan waxa ay ka soo gaarta dadka shacabka ah.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY