Wasiirka Ganacsiga oo ganacsatada kala hadlay inaan sare loo qaadin maciishadda COVID-19 awgiis

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maciishadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu hogaaminaayey Guddoomiyaha Rugtaasi Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed.

Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii  Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xiriira badeecadaha dalka, gaar ahaan kaydka raashinka, waxaana ay sheegeen in illaa iyo hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wel wel ah sidoo kale na ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan.

Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo cudurka Coronavirus ( COVID-19).

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maciishadda dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshadda dalka.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY