Guddoomiye Madaale oo gaari loogu tala galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah ku wareejiyay dhibane Maxamed

https://www.radiomuqdisho.net/guddoomiye-madaale-oo-gaari-loogu-tala-galay-dadka-qaba-baahiyaha-gaarka-ah-ku-wareejiyay-dhibane-maxamed-sawirro/

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim dheere) ayaa maanta hoygiisa ku booqday dhibane Maxamed Xaashi Maxamuud oo uu ku wareejiyay gaari loogu tala galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Hani Maxamed Cabdi oo ah xaaska dhibane Maxamed Xaashi ayaa sheegtay in seeygeeda uu muddo labo ah sariirta saaranyahay, isla markaana ay yihiin qoys aan awoodin inay iibsadaan gaariga, balse ay ay aad ugu mahadcelinayaan sida uu ugu soo gurmaday.

Maxamed Xaashi Maxamuud ayaa u mahadceliyay Guddoomiye Ibraahim sida uu uga jawaabay baaqa uu kaga codsaday oo ahaa in uu u keeno gaari uu ku socdo, madaama uu yahay qof an ku socon karin lugahiisa, waxaana uu intaa ku daray in hadda uu awoodo in uu guriga banaankiisa u soo baxo.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim dheere) ayaa sheegay in kal hore uu soo booqday Maxamed, haatanna uu ku faraxsanyahay in uu ka jawaabay baahidii uu qabay ee dhanka gaariga ah, waxaana uu intaa ku daray in dadka dhibaateysan ay gurmad siin doonaan inta ay awoodaan.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY