Ardayda kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda oo Booqasha aqoon korosi ah ku tegay Madaxtooyada Qaranka

Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay ardayda dhigata kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqasho cilmiyeed ay wax kaga ogaanayaan hannaanka shaqo ee Xafiisyada ugu sarreeya dalka.

Ardaydaan oo soo indho-indheeyey qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ayaa kulammo xog wareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah agaasinka, madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada JFS.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Ahmed oo ardaydaan ku soo dhaweeyey Madaxtooyada ayaa uga warbixiyey shaqada guud ee Xafiiska Madaxweynaha.

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in ardaydaan oo ah dufcadii ugu horreysay burburkii kaddib ee culuumta saxaafadda ka dhigta Jamacadda Ummadda ay  aasaas u yihiin horumarka iyo koboca aqooneed ee Saxaafadda Soomaaliyeed.

Danjire Yusuf Garaad Cumar oo bare u ah ardaydaan, hoggaaminayeyna  booqasho cilmiyeedkan ayaa soo jeediyey in la xoojiyo xiriirka wada-shaqeyneed ee Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.

Dhankooda, ardayda Kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxasan yihiin booqashada Madaxtooyadooda,dhiirrigelinna ay u tahay in ay fahmaan hannaanka warbaahineed ay u shaqeyso Madaxtooyada.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY