Warakii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya qaraxii lala beegtay Garoonka Diyaaraha Caalamiga Ataturk ee Magaalada istanbuul ayaa Sheegaya in ay soo kordheeso tirada dhimashada , sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka ,
41 qofood ayaa geeriyootay 147 kalana dhaawac ayaa soo gaaray , sidoo kale boqolaal dad ah oo sugayay eheladooda ayaa dhaawacyo fudud soo gaaray kadib markii qaraxu uusoo dumiyay saqafka sare ee garoonka sida uu noo sheegey goob jooge ka mid ahaa dadkii waxyeelada soogaartay ,
Dowlada Turkiga ayaa Cadeesay in 23 qof oo ka mida Muwadiniinteedu ay ku Geeriyoodeen Weerarkii xalay , dadka inta kale ee Geeriyootay ayaa kasoo kala jeeda 13 dal oo kala duwan , oo ay kamid yahiin wadamada ukrain iyo iraan
Weeraka waxaa bilaabay hal nin oo ku hubeesan qoriga nooca loo yaqaano Kalashnikov waxa sidaasi yiri Wasiirka Cadaalada Turkiga mudane Bekir Bozdag .isaga oo u Waramayay warbaahinta turkiga laga leeyahay ee lagu magacaabo Hurriyet Daily News
Sidoo kale waxaa isana Arintaan ka hadlay Raisal Wasaraha Cusub dalkaan Turkiga Mudane Binali Yıldırım wuxuu yiri , sadex ruux ayee ahayeen raga goobta soo galay ee xabada ku furay Shacabka Musaafiriinta ah iyo Police kahor inta aaysan naftooda haligin oo ayna is qarxin ayee xabad la beegsadeen dhamaan dadkii goobta ka ag dhowaa sida ay qortay saxaaxafada the Telegraph.
Dadkii goob joogayaasha ahaa waxa ka mid ahaa Steven nabil @stevoiraq oo ah wariye u dhashay ciraaq kuna nool dadlka mareekan ka , Nabiil ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadal murug ku beeray dad badan , kadib markii xaaskiisa dhaacwac kasoo gaaray qaraxii xalay ka dhacay Ataturk Airpor oo ay goob joog ahaayeen , Nabil aya soo qoray : Aniga iyo Xaaskayga waxaan ka imaanay honeymoon Todobo ayaan kasoo laabatan waxan Transiit ku aheen Istanbuul si aan ugu laabano USA NYC markii aan arkay in agteenu xabada ka dhaceeso waxaan habsiiyay Xaaskayga oo aan shumiyay ….. https://twitter.com/stevoiraq
sidoo kale qoraalo badan ayuu Nabiil soo qoray iyadoo ay dhamaan Saxafada aduunka ka codsaneysa in ay soo wacaan si ay wareesi uga qaadaan hadii suuragal tahay , waa sida ay bartiisa twitterka kusoo qoraayeene ,,,
WQ kamal Kamal Hassan Hussein








