Istanbul : Soomalida badan ayaa ka badbaaday qaraxii caawa ka dhacay Istanbul Ataturki Airport ,
sida uu Goob jooge soomaali ah ii sheegay , “”soomaali badan ayaa joogtay Airportka halka qaraxa ka dhacay, dadka ayaa dibada loo so wada saray waxana ka mid ahaa soomali markaas soo degtay oo ahaa transit iyo kuwa gudaha turkiga in ay sii galaan rabay , Goob joogahan aya ii cadeeyey in uu la kulmay Hooyo soomaliyeed oo nabad qabto balsa dhamaan alabaheedii iyo sharciyadii kasoo cararatay ,
Sidoo kale waxuu la kulmay mid kamid ah laba gabdhood walalo ah oo kala lumay kadib markii qaraxa dhacay , gabadhaan ayaa ahaa rakaab Diyaarad Turkish Airlines kasoo raacay Dalka Canada Transit ayee kuso mareen dalka Germalka iyagoo ugu dambeen usoo socday halkaan , istanbul ayee ku qabsatay mushkikadan , sida uu inoo sheegay hal gabar ayaa la waysan yahay jaan iyo cirib meel ay dhigtay, balsa walaasheed waa ay nabad qabtaa waan kasoo wada baxnay airporka,
Dhibka ugu badan dadkii dhan waa ay kala lumeen mobile iyo boorso intaba wa laga kala orday, dadku Meel ay ka wada Xariiran majirto,
Guud ahan waxa la joojiyay Diyaradaha baxaya iyo kuwa soo degaya intaba, dadka dhan dibada ayaa loo so wada saaray
Goob joogahan ii waramay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri, jaakadeeyda xabad ayaa ku taalo kuleelka xabada waan daremay ilahay wuu i badbaadiyay , ninka Xabada riday iyo Aniga wax noo dheyeye majirin marka hore kor ayuu Xabada u ridayay police ka markuu arkay ayuu ku bilaabay xabadii , kadib shacabkii ayuu la beegsaday waxuu watay qori Ak47 ah , waan orday masjid ayan galay airportka dhexdiisa ah ,
Goob joogahan oo hadalkiisa wata ayaa yiri Dhiiga dhulka daadsan waa lagu sibxanaya dhulka dhan waxaa daadsan dhiig, dadka intooda badan isaga ayaa laayay,
Airportka ayaa guud ahaan la wada xiray, police ayaa taagan meel walba, dadka dhan waxa losoo saaray dibada baaritazn ayaa socda laamaha socdaalka ayaa joojiyay diyaaradaha dhamaan kuwa soo degaya iyo kuwa kici lahaaba ,
Qaraxa ayaa kuso aaday saacad ka hor xili ay duuli laheed diyaaradii aadi jirtay soomaalaiya Turkish airline , waana qaraxii 2 aad ee ka dhaca istanbuul bush an June gudaheeda, 7 Bishaane 12 ruux ayaa ku dhimatay qarax lala beegsaday bus uu leeyahy police ka istanbuul waxa ku geeriyoday 6 police iyo 6 shacaba , sanadkan 2016 gudahiisa 6 qarax ayaa ka dhacay turkiga 3 caasimadda Ankara aye ka dhaceen 3 istanbuul ayee ka dhaceen , 3 qolada pkk mucaaradka ayaa sheegtay 3 isis daacish ayaa sheegatay ,3 dexdii qarax u dambeesay 29 Maarso 7 June 28 June waxa sheegtey daacish,
Ugu dambeen 28 ayaa la xaqiiniyay dhimasshada dhaawacana 60 ayuu kor udhafaya, Gudoomiyaha Istanbuul.Kadir Topbaş ayaa saxaafada la hadlay isagoona sheegey in tiradaasi waxyeelo soogaartay, kooxda daacish aya sheegatay wararka in ay ka dambeesay, madaxwaynaha Dalka Erdugan ayaa isagana la filayaa in uu hadlo mardhow,
Istanbul
WQ kamal




