Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Khudbado jeedin doona

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhageysan doona Khudbado waxqabadkooda ay kusoo bandhigayaan qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya Xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

Musharaxiinta xilkan u tartamaya oo gaaraya 11 ayaa soo buuxiyay dhamaan Shuruudihii laga doonayay, waxaana maanta Khudbadaha jeedin doona Lix ka mid ah halka qeybta labaad ee Khudbad jeedintana ay dhici doonto maalinta beri ah.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay soo gabagabeeyay Diiwaangelinta Musharixiinta u taagan Xilkan Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxayna kala yihiin Magacyada Musharaxiinta is diiwaan galiyay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Xiildhibaan Prof. Saalim Caliyo Ibrow, Xildhibaan Shariif Sheekh Maye, Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar, Xildhibaan Maxamed Mursal Cabdi raxmaan, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdella, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali.

30-ka Bishan oo ku began Maalinta Isniinta ee soo socota ayay dhaceysaa Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY