xayawaanka Eyda loo yaqano

admin
3 Min Read

Somali dogs 2

eey somalida waxaa ay u taqanaa midka mid ah xayawaanada kaa oo ah  laba nuuc debjoog iyo duur joog. intabadan eyda waa deb joog ku nool meelaha dadka ay ku noolyahiin. waana xayawaan dadka la noolakara waxana u tarikara

eeyda waa nijaaso lakiin waa marka ay qoyanyahiin. dadka somalida eyda si weeyn beey u isticmaali jireeyn xiliyadii hore, haba ugu badnadaan  reer mihiga. eyda xoolaha ayay racsan jireeyn qaarna waa ay ku ugaarsan jireeyn taa oo ku tusineeyso faa’iidooyinka eeyga uu bulshada u leeyahy

dadka magaalooyinka ku nool in yar oo ka mid ah baa eyaha isticmali jirey dalkena. waxayabaha ay u adegsanjreyn waxaa u badan wardiye kaa oo ka ilaasha  tuugada.

naceeybka ayga aad iyo aad ayuu bulshadeeyn ugu soo badanyaa marba marka ka dambeeysa. waxaadna arki kartaa eeyaha oo aan si caadi ah xaafadaha intooda badan u joogi karin ama xitaa aan wadooyinka u mari karin.

inta badan caruurta somalida ayaa eyaha  ka heysta fikir xun ama qaldan. waxana kala dhaxeeyso aragti. meshii ay caruurtaas ku arkaan eey ayay ku baacsadan. ilaa eeyga uu ku baxsado meel caruurta ay ka daba geli karin. baaritaano la sameye ayaa mujiey in arinka uu yahay mid quraafaad ah. caruurta ayaa arkeyeen ama maqleeyn eeyahoow iyo sidii ay oo kale.

caruurta somaliyed waa in loo dhigaa daruus ka turjumeys qiimaha eyda bulshada u leedahay. waan oganahay eyda waa haras xaaran. waalidiinta waxbadan ayay caruurta uga digijireyen kuna oran jireeyn eeyda waa xaraan dad cun ah isk jira.

lakiin taa micnaheeda caruurta waxaa ay u fasireeyn in eyda tahay wax xun oo aan la dhaafin oo la dilaa meelkasto lagu arko. dalkeena fiiri xaafadaha intabadan eeyahay waxaa ay ku noolyhiin luuqyada iyo keeymaha  iyo melaha aan la geli karin oo ay gabaad ka dooneeyn

taa waxaa sii dheer gadiidka oo eyeha iyana si naxaris daro u jiira. marar badan ayay dhacday in gadiidka ay jireeyn eeyo iyo caruurtooda. waayo eeyaha ayaa habeenkii wadooyinks seexda maalintii oo dhan waxaa ay ku jiraan gambasho ay ka baxsanayan caruurta

arinka muhiimka ah waa sidee bulshadeeyna wax uga bedelikaraan dhaqanka naceebka eyda oo ah mid naxaris daro ah

yahye

 

Share This Article