Ololaha daahfurka Talaalka cudurada sambabka Ariga ku dhaca oo laga bilaabay dalka

PENALBA1PENALBA TEAM

Xafladan oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu daah-furayay ololaha talaalka cudurada sambabka ee ku dhaca Ariga oo ay si rasmi ah u daah-furtay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO iyo ururada ka shaqeeya Xanaannada Xoolaha, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiirka ganacsiga, Guddiga  Xanaannada Xoolaha, beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee Baarlamaanka  Soomaaliya, urarRada Xanaanada Xoolaha ee dalka  iyo dhaqaatiir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Mudane Maxamed Cumar Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ololahan talaalka uu muhiim u yahay caafimaadka dalka oo dhan.

Drs Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadlaysay Ururrada Xanaanada Xoolaha oo soo dhowesay daahfurka ololaha talaalka sambabka ee Ariga ayaa ku baaqday in qorshaha Qaranka ee dalka muhiimad la siiyo Xanaanada Xoolaha iyo daryeelkooda.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha Guddiga  Xanaannada Xoolaha, beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Soomaaliya dadaalka dalka uu ka gaaray Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in  xoolaha dhaqaalaha Soomaaliya ay kaalin weyn kaga jiraan.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo si rasmi ah u daahfuray ololahan ayaa sheegay in Soomaaliya uu muhiimad gaar ah u leeyahay

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee dowlada Soomaaliya  ayaa si rasmi ah u bilaabay talaalka sambabka ariga, waxaana ololahan oo dalka laga bilaabay la qabtaa sanadkiiba mar ama lama mar.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY