qooysas Uganda oo dhalay caruur qabo waxa loo yaqaano Baraska ayaa waxaa ay muujiyeen walaaca aad u xoogan ay ka qabaan badbaada caruurtooda. baha dhalay caruurta ayaa yiri markii xaaskeeyga iidhashay curdak waxaa uu noqday will qabo Baras koo leh muuqaal cadaan oo an caadi ka aheeyn dadka aan ku dhexnoolnahay iyo magaalooyinka ku hareereysan casimada dalka Uganda ee Kambala.
dadka baraska qabo ayaa waxaa soo foodsartay nolo adaga kadib markii ay noqdeeyn ku la ugaarsado sida ugaarta qaaliga ah oo kale. dad badan ayaa ka ganacsada hilbaha iyo jirka dadka qabo cudurka baraska kuwaa oo u isticmaal sixrka iyo fulaan fulka. dadka kunool wadamo ka mid ah geeska Afrika yaa waxaa ya aaminsanyhiin in qeeyb ka mid ah hiblka ama jirka qof qabo baraska ay tahay waxa nasiib wanagasan keeni kara ama uu ku brakoobi karo qooyska, xoolaha iyo beeraha.
runtii ugaarsiga dadka baraska qaba ayaa ah mid xaaran ah oo aan la qadan karin. dadkan jirkooda cadaanka ma ahan waxa dhib keeni kara ama qeeyr aan kuu qorneeyn. lakiin kuwa saxiriinta ayaa dadka ku qaldo waxyaabo badan. wadamda Kenaya, Tanzania, Uganda and Burundi aya ah kuwo ay ka jiran xasarado ka dhan ah dadkan.
dalka Tanzaniya iyo Kenya caruur badan ayaa la dilay hilibokodan suuqyada lagu iibsaday halka oo dad ay ka sameeyaan macaash aan sahrci aheeyn. baaritaano la sameeye waxaa la ogaaday in aabaysha qaar ay ku lug yeeshaan dilka iyo iibsiga hilibka caruurtooda ayakoo la macaamilo dadka saxiiriitna oo u arka in sixirkooda uu ku bulaalikaro isticmaalka hilibka dadka baraska qabo.
dadka qabo baraska waa qeeyb muhiim ah bulshada ka mid ah waxana ya qeeyb ka yahiin dadka aduunka kunooloo. waxaana ay xaq u leeyahiin waxkasto qofka aan qabin baraska uu xaq u leeyahay. dadaalo badan aya sameeyeen qaar ka mid ah dowladaha geeska africa ayaa waxaa ka mid aheeyd in dadkan la badbaadiyaa dhankast ayadoo loo maraya. wacyigelin, soo rogida shuruuc iyo ciqaabo ka dhan ah dadka kula kaca tacdi dadka baraska qabo
dalka somalia oo ka mid geeska africa yaa ah meel ay kunool ayhiin dad badan oo qabo baraska majirot wax dhibato amaan xumo iyo urgaarsi ka dhan oo ay la kulmaan inkastoo ay jiraan takoor iyo magacyo xun oo ka dhan ah loogu yeero. hadan bulshada qeeyb weeyn beey ka yahiin. diinta islaamka iyo dhaqanka somalida ayaa waxaa uu saamaxay in dadkan ay ku nooladaan nolo fican bulshada dhexdeeda mana jiran qabacado xoogan ka dhan ah
dhanka nolosha guurka, waxharshada, ganacsiga iyo horumarka dhaqaalaha qeeyb ayay ka yahiin bulshada dexdeeda mana jiraan caqada sharci oo takoorikara dadkan ineey gaaran waxa ay higsanayaan. inkastoo ay ku yaryahiin hogaanka iyo siysada somalia hadana waxaa jirto weli in ay dadka dhib qaban. sababto ah majiro xildhibaan, gudoomiye, hogaamiye, wasiir ama qof magac siyaasi leh oo dadkan ka mid ah.
noqoshada qof qabo baras ma ah waxa la doorto ama la iibsaday ee waa qadar dhanka allah ka timada. manajiro qof qaas u ah oo loo hibeeye waxaa dhici karta in beri uu kuu dhasho dhalaan qabo baras. sidaa awgeed bulshada somaliyeed waa ineey soo dhoweeyn dadka baraska qabo.
hadii somalia ay ahan laheeyd wadan ay ka jirot nabad waxaa dhici laheeyd in dadka qabo baraska usoo doontaan magan galyo nololeed taa o ah meel ay ku helikaraan xornimo iyo soo dhoweeyn buuxda bulshada dhexdeeda. waan ognahay in ay dadka qaban dhib hadana ma ahan in dad weeynaha ku sii kordhiyaan dhibkale oo dadka ka imada.






