Raisal Wasaaraha Britian ayaan ku dhawaaqay iscasilaad :

admin
1 Min Read

downloadRa’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu is casilayo bisha Oktoobar kadib markii inta badan dadweynaha UK ay u codeeyeen inay isaga baxayaan Midowga Yurub.

 Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii shalay ka dhacday waddanka ingiriiska .

Wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in markabku aanu liicin – laakiin toddobaadyada iyo bilaha soo socda in loo baahan yahay hoggaan cusub.

Mr Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida. cameroon  oo hadalkiisa wata ayaa yiri  xiligaan kadib wadanka wuxuu u abahan yahay dad hore usii wada , aniga wan jeclahay wadankan  waana ka shaqyan doonaan horumarkiisa ,

 

WQ kamal Hassan

Share This Article