Ciidamada illaalada xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in ay badwaynta Mediterranean-ta ay ka soo badbaadiyeen 4500 oo muhajiriin ah khamiistii oo kali ah.
Waxay sheegeeen in ay sare u kacday tirada muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay daggantahay.
Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishan waxay sheegtay in 10 kun oo qof ay dhinteen iyagoo isku dayaya in ay ka tallaabaan badweynta Mediterranean-ta si ay u gaaraan Yurub labadii sano ee la soo dhaafay.
tiradaan ayaa noqoneysa tiradii ugu badneed muhaajiriin ah oo maalin qura laga badbaadiyo xeebaha dalka talyaaniga , bil ka hor ayeey ahayd marki ciidamada talyanigu ay badbaabiyeen 3000 kun qofood isbuuc gudahiisa ,,
X/G BBC
WQ Kamal Hassan



