Maxkamada Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil toogasho qaar ka Mida maxaabiista Al Shabaab ee ku xiran Xabsiyada puntland,
Maanta ayee sheegtey Maxkamada ayaa in dil toogasha ku Xukuntay 43 Kamida Maxaabiistii lagusoo qabtay dagaalkii Argagixisada kusoo qaaday bishii Maarso ,
Xukunkan Maxkamada Puntland ku ridayayaa Dhalinyarada ayaa kusoo aadaya kadib markii Maamulka Gaas uu hore u sheegay in dhaqan Celin loo sameen doonaan Caruurtaasi lagu qabtay weerarkii argagixisada kusoo qaaday Goboladasi ,
sidoo kale Puntland ayaa hore ushaacisay in Caruurtaasi la dajiyay Hotelo dagaan fiican kasoo ka qayb qaadan doono dhaqan celinta Caruurta Yaryar ee lasoo qalday, sida aan ku Aragnay Sawiro saxaafadu soobandhigtay,
Dhanka kale Madaxwayne Gaas ayaa saxaafada ka sheegay in ay dili doonaan maxaabiista shabaab ee ku xiran xabsiyada puntland , xili uu hadlayay Gaas ayaa yiri ” hadii argagixisadu bilaabeen in ay dilaan dadka wax tarka uleh puntland ha ogaadaan inagana xabsiyada ayee nooga buuxaan 5 shan 5 shan ayaan udili donaa ” hadalkan uu madaxwaynaha yiri ayaa kusoo aday isagoo ka hadlaya dil loogeestay haweneey ka mida Ururada bulshada ee gobolka Mudug,
WQ kamal Hassan




