Tansaniya oo xirtay 630,000 taleefoon

bbc somalia

Tansaniya, ayaa hal habeen hawada ka saartay 630,000 oo taleefoonada gacanta ah, taasi oo ujeedkeedu yahay in lagu dhammeeyo taleefoonada gacanta ee been abuurka ah ee dalka.

Tansaniya, ayaa ku biirtay dalalka Cameroon, Koonfur Afrika iyo Nigeria dadaalkooda ay ku xoojinayaan tallaabooyinka ammaan iyo caafimaad, iyagoo qadka ka saaraya taleefoonada.

Hay’adda maamusha isgaarsiinta, ayaa sheegtay in taleefoonada la damiyay ay 3 boqolkiiba ka yihiin kuwa dalka ka jira. Tiradaas ayaa aad uga yar marka la barbardhigo tii la filayay. Madaxda ayaa aaminsan in dad badan ay qaateen taleefoono hor leh ka hor intaan la damin.

Xisbiga mucaaradka ee CUF, ayaa sheegay guuldarada dowladda ee aheyd inay ka hortagto in dalka soo galaan taleefoonada been abuurka ah ay ku ciqaabeyso Tansaniyanka aan waxba galabsan. Balse hay’adda isgaarsiinta maamusha ayaa sheegtay in damistan ay tahay mid caafimaadka dadka taleefoonada adeegsada lagu ilaalinayo. Waxayna intaa ku dartay in taleefoonada gacanta ee been abuurka aysan laheyn tirada cadeynta saxda ee mobilada oo muhiim u ah in lagu ogaado oo lagu tixraaco, waxayna la’aanta tiradaasi ka dhigeysay in dambiilayaasha ka baxsadaan in la soo qabto.

Qiyaasta dadka Tansaniya oo lagu sheegay 49 milyan ayey dadka ka haystaan shirkadaha 33 milyan oo taleefoon.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY