Madaxweynaha ayaa booqday xarunta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta “DAAWO Sawirro”

admin
1 Min Read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV.

Madaxweynaha ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, ammaanka, horumarka iyo doorashooyinka ka dhicidoona dalka sanadkan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo dhageystayaasha barnaamijku soo weydiiyeen.

Wuxuu kula dar daarmay madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed iney taageeraan dowladda, islamarkaana u soo jeestaan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa  dhinac kale booqday qeybta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta xilligaasoo uu tababar u socday qaar ka mid ah wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka.

 

 

 

naIMG_3775 IMG_3799 IMG_3805 IMG_3811 IMG_3812 IMG_3815 IMG_3816 IMG_3825 IMG_3829 ha aIMG_3833

 

WQ kamal Hassan

Share This Article