ANKARA May 30 –
2014-tii ayee ahayd dowlada Turkiga Markii ay irdaha u laabtay safaradeeda tripoli , sababo la xariira dhanka amaanka. Waxa sidaasi yiri Wasiirka .
Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Turkiya Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay booqashadiisa libiya in uu la kulmi doona Raisal-Wasaaraha Dalka Libiya Mudane Fayez al-Sarraj iyo sidoo kale Dhigiisa libiya Wasiirka arimaha dibada Mudane Mohammed Siyala .
kulankaan ayaa noqon doono mid ay labada Dowladood ku kala Saxiixan doonaan heshiisyo dib-ucusbooneesiin Dhanka iskaashiga , Kaasoo Waligiis ka Dhexeeyey labada dowladood ee Turkiya iyo libiya ,
Sidoo kale kulan Masuuliyinta labada dowladood ayaa looga hadli doona siidi Markale dib loogu furi lahaa Safarada Turkiga uu ku leeyahay dalkan Libya Magaladiisa Tripoli , Dolwada turkiya ayaa si wayn u daneeneysa xoojinta Xariirka wadamada islaamka ee dhaca qaarada Afrika gaar ahaan kuwa dagaalada waxyeeleeyeen ,
Turkigu wuxuu raja wayn ka qabaa Hanashada Xariirka qaarada Afrika uu la yeen karo , waqtiyadan dambe waxa aad usoo Kordhaya Dhaqaalaha kala dhaxeeya Wadama badan oo ka Tirsan qaarada Afrika , sidoo kale Ganacsiga Turkiga wuxuu aad ugu fidayaa Dowlada badan oo Afrika hormuud ka ah ,
WQ Kamal Hassan Hussein




