Madaxweynaha jamhuriyada soomaaliya Mudane Xasan Sheek Mahmuud ayaa la kulmay Ciidamada Qaranka soomaaliyeed ee dhawaan ka qalin jabin doona Xerayaha tababarka Turkiga kuwoooda ugu sareeya ,
dhalinyada ayaa madaxweynaha u muujiyay dareen wadaniyad ku dheehantahay , isagoona Dhiiragalin buuxdo u jeedinaya ayuu ku yiri , waxaan ku faraxsanayahay wajiyadiina in aan arko , marka tababarkiinu dhamaadana waxa idin balanqaadayaa in aad noqon doontaa kuwa dalkaan hogaamin doono haduu eeba yiraahdo , qof walba oo ciidanimo bartaana waa ku wajib in dalkiisa uu dib ugu soo laabto si uu wax utaro dalkiisa madaama amniga aan uga baahanahay xoog badan ,
waxana rajaynaya in aad aqoontiina bari doontaan kuwa badan oo dalka joogo una bahaan in ay heleen darajada aad leedahiin mid lamid ah , noqda kuwa aqoontooda dalkooda uga faaideeya ..
madaxweyene Xasan sheik waa madaxweynaha kaliya ee dhiiragalin u sameeya dhalinyarada soomaaliyeed , waxii ka dambeeye burburka madaxdu waa ay iska indha tiri jirtey la kulanka dhalinayara qaybahooda kala duwan , waxana uga mahadcelinayaa madaxweynaha dhiiragalinta buuxdo uu nala garab taagan yahay . hada ayaanu ogaanahay in rajadu fiican tahay mar hadii dhalinyarada uu xog ka qaadanayo madaxweynahooda ,,
kulankan ayaa kusoo adaya xili madaxweynaha uu safar u shaqa u joogo dalkan turkiga , isagoona ka qayb galaya , shirka arimaha baniaadanimada aduunka ee ka furmay magalada istanbuul malinimadii shalay .
istanbul-Turkiya
WQ Kamal Hassan








