urarada shaqalaha somaliyed oo hogan cusub doortay

midowga shaqalaha

Doorashadaan ayaa waxaa isugu yimid sideed urur shaqaale oo ku midoobay hal dalad oo loogu mgac daray Isutaga Ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku doortay Hogaanka Afarta Sano ee soo socda.

Guddiga qaban qaabada Doraashada ayaa markii ay dhacday doorashada waxay ku dhawaaqeen natiijada Dorashada oo ay sheegeen inay codeeyeen 116 qof, waxaan 98 cod helay Maxamed Cismaan Xaaji oo ku guuleystay xilka.

C/laahi Maxamed Sheegay oo ka mid ahaa mas’uuliyiin Wasaaradda Warfaafinta iyo Xiriirkii guud ee ururkii Shaqaaha Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in tani qy qeyb ka tahay dimoqraadiyadda.

Agaasimaha waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya Mudnae Cabdirisaaq Macalin Cilmi ayaa tilmaamay sida ay doorashada u dhacday inay tahay mid si hagaagsan u dhacday oo ay soo dhaweynayaan.

Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Dr Cismaan Cilmi Guure ayaa u sheegay isutagga shaqaale weynaha Soomaaliyeed inay yihin xoog madax banaan oo dowladda la shaqeyn doona.

Xoghayaha guddiga cadaladda ee golaha baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Xasan Cabdullaahi (Maxamed amiin) ayaa u hambalyeeyay hogaanka cusub ee la doortay, kuna booriyay in uu si hufan u guto howlaha loo idmaday.

Xoghayaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Abshirow ayaa u balan qaaday hogaanka cusub in kan baarlamaan ahaan ay la shaqeyn doonan.

Afar sano ka hor ayay dhacday doorashada isu tagga midowga Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin sideed urur shaqaale, waana markii labaad oo ay doortaan guddoon cusub oo xilkan haynaya afarta sano ee soo socoto.

 

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY