Guddoomiyaha guddiga samata bixinta qaxootiga Yemen oo garoowe lagu soo Dhaweeyay

Guddoomiyaha Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sheekh Nuur ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Cabdiweli Gaas ay kala hadleen xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ka soo laabanaya, isagoo xusay in ay arrimo badan ay isla meel dhigeen, ayna uga mahadceliyeen dadaalka ay ku bixiyeen soo dhaweynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Yemen.

Guddoomiyaha guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha ay ugu jirto soo dhaweynta qaxooti badan oo markabka Nawaal 3 uu ka soo qaaday dalka Yemen, kuwaasi tiradoodu gaareyso ku dhawaad 2,000 (labo kun), oo la filayo in beri ay Boosaaso soo gaaraan.

“Xubno ka mid ah guddiga badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ayaa ila socda oo u ku jiro Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, runtii ujeedka socdaalka waxa uu yahay in Mamulka iyo culimada halkan joogto aan uga mahadcelino doorka ay ka qaateen soo dhaweynta iyo dib u dejinta qaxootiga Yemen ka imaanaysa, Qaabilaadda markab lagu wado in uu soo gaaro Boosaaso si aan u soo dhaweyno qaxootiga halkaasi laga keenayo

IGASHO Radiomuqdishu

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY