HOGAAN CUSUB IYO MIDOGA ARDAYADA DUGSIGA INDHOOLAYAASHA AL-nuur
Munaasabad doorasho ah oo ay ka qayb galeen maamulka, maclimiinta, shaqaalaha iyo guud ahaan ardayada dugisga Al-nuur iyo martida sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta dugisga indhoolayaasha AL-NUUR ee maglada muqdisho.
Munasabadda ayaa ugu horeen waxaa daah furay gudoomiyihii hore ee ardayda dugisga Al-nuur axmad xasan dige waxaa uu kahadlay ujeedooyinka loo aasaasay gudiga iyo waxyaaabihii uuqabsoomay mudadii xilka uuhayay, waxana uu shegay inay ku galesteen sameenta nidaam uu ku shaqeyo midowga ardayda, xalinta khalaafaadyadii ugu badnaa iyo wacyigalinta ardayda “ waxaan umahad calinaynaa maamulka maclimiinta shaqaalaha sababtoo ah door ka qaateen howlaha noola igmaday, waxaa jiray isqab qabsi iyo muranno badan oo aan xal ka gaarnay, waxaa kaloo jiray baahiyo yar yar madaama dadka aysan isku duroofo aheen oo aan ku guuleesanay inaan xalinno waxaan dhihi karaa in 95% ama 99% aan ku guleysanay shaqooyikeena” ayuu yiri gudoomiye axmad.
Gudiga madaxa banana ee dorashoyinka ayaa halkaasi ku soo bandhigay 10 qodob oo aas aas u ah hagadda nidaamka doorashada gudomiyaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana inaataasi kadib fursado ay ku soo bandhigaan wax qabadkooda la siiyay musharaxiinta gudoomiyenimada oo kala ah Dhaahir Axmad Maxmed. C/raxmaan Maxmuud Kulane iyo Anas Shire, waxaana uu masharax waliba uu si kooban halkaasi ugu soo bandhigay waxyaabaha u qarsheesan hadii uu ku gulesto doorashada gudoomiyenimo.
21 xubnood oo ahaa xubnaha dhiibanayay cododka ayaa loo qaybiyay warqadaha cod bixinta iyo agabkii ay ku codeen lahaayeen, waxaana laguda galay dhiibashada cododka iyadoona gudiga uu ku dhawaaqay magacyada cod bixiyaasha….
Intaasi kadib ayaa laguda galay tirinta natiijooyinka cododka waxaana uu ugu dambeen uu gudiga ku dhawaaqay natiijada ka dhalatay codeentii la sameyay waxayna u dhacday sida tan:
Daahir Axmad Maxmed 14 cod = 66%
C/Raxmaan Maxmuud Kulane 6 cod = 29%
Anas shire 1 cod = 5%
Gudiga doorshada ayaa shegay in laguda gali doono wareega labaad ee doorshada madaama aysan jirin musharax helay 70% sida uu dhigayo nidaamka doorashad.
Inta aan laguda galin wareega labaad ee doorashada musharax C/raxmaan Maxmuud Kulen oo dalbaday inuu hadlo ayaa shegay inuu ka danaasulay musharaxnimada gudoomiyaha “ waxaan u mahadcalinayaa inta ii mahad celinayaa inta itaageertay iyo kuwa aan itaageerin waxaan u istaagay inaan halkaan ka sheeego inaan ka tanaasulo musharaxnimada gudoomiyenimo ee ardayda sabatoo ah waxaan u arkay in walaalkee daahir uu hogaamin karo sidaas daraadeed ayaa waxay qasab ka dhigtay inaan walaakeey Daahir codadkayga ugu Shubo” ayuu yiri musharax Kulane.
Gudiga doorashada ayaa soo dhaweyay go`aanka musharaxaasi waxayna si rasmi ah ugu dhawaaqeen inuu gudoomiyaha ardayda uu noqday Daahir Axmad Maxmed, oo horay u soonoqday madaxa Xalinta khilaafaadka iyo is dhax galka ardayda ee midowga ardayada dugsiga Al-nuur.
Daahir axmed maxmed gudoomiyaha cusub ee midowga ardayada Al-nuur oo dhankiisa hadlay ayaa umahad celiyay c/raxmaan kulane, iyo dhamaan xubnaha ka qayb qaadanaya cod bixinta waxana uu yiri “runahaantii xilkaan waa xil culus sidaad igu aamintiin ayaan uga soo bixi doonaan c/raxamaana wuu mahadsan yahay xil fudud musan ii dhiibin laakin maamulka iyo maclimiinta waxaan ka codsanayaa inay ilashaqeyaan sababtoo ah far kaligeed fool ma dhaqdo”
Intaa kadib waxaa bilaawday wajiga labaad ee doorshada oo lagu dooranayay gudoomiye ku xigeenka midowga ardayada oo ay u tar tamayeen sadax gabdhood oo kala ah :
Shukir cabdi maxmuud
Mulki cabadi maxmed
Iyo salaado sheikh cali
Waxaan durbadiiba laguda galay doorshada gudoomiye ku xigeenka iyadoona codbixiyasha loo qeebiyay warqadaha codbixinta, gudiga doorashada ayaa mid mid ugu dhawaaqay magacyada cod bixiyaasha si ay codkooda u dhibtaan.
Gudiga doorashada ayaa guda galay tirinta cododka la dhiibtay sida codadka lookala helay, waxayana natiijada cod bixinta u dhacday sida tan:
Shurki Axmad Maxmuud 9cod
Mulki Cabdi Maxmud 8cod
Salaado Sheekh Cali 4 cod
Gudiga ayaa shegay in labada musharax ee ugu saraysa ay ugudbi donaan wareega labaad ee dorashada hayeshee musharax Mulki Cabadi oo codsatay in codbaahiyaha fursad loo siiyo ayaa ka danaasushay inay noqto mushar utartamaya xilka gudoomiye ku xigeen ee midowga ardayada Al-nuur,
Shukri Axmad Maxmuud oo horay u aheed gudoomiye ku xigeenka midowga ardayda ayaa markale ku gulesatay inay noqto guudoomiye ku xigeenka midowga ardayada sida uu ku dhawaaqay gudiga doorashada “ mulki way mahadsantahay kadib markii gudiga uu arkay codsiga uga yimid mulka, waxa uu go`aansaday inuu ka aqbalo codsigaasi, wuxuuna manta waxii ka dambeya uu shurki axmad maxmuud uu aqoonsaday inay markii labaad ay noqoto gudoomiyaha midowga ardayada”
Shukri Axmad maxmuud oo dhankeeda hadashay ayaa soo dhawaysay in markale loo igmado inay noqto gudoomiye ku xigeenka midowga ardayada Al-nuur.
Intaasi kadib ayaa waxaa munasabada gabagabadeeda waxaa xilalka wareejiyay gudoomiyihii hore midowga Axmad Xasan Dige isagoo shegay inuu diyaar u yahay inuu lashaqeeyo gudoomiyaha cusab Daahir axmad maxmed.
Waxaan gaba gabadii munaasabadda hadalo kooban ka jeediyay maclimiinta iyo shaqaalaha dugisiga alnuur iyagoo soo dhaweyay isbadalka maamulka ee ka dhax dhacay ardayada dugsiga.
Gudoomiye ku xigeenka ururka indhoolayaasha somaliyeed ee SAB Bashiir Maxmed Jimacaale ayaa shegay in talaabada ay qadeen ardayada dugsiga indhoolayaasha AL-nuur ay tahay talaabo mudan in lagu daydo,
Gudoomiyaha ururka SAB ahana maamula ku xigeenka dugsiga Alnuur ayaa soo xiray munaasabadda isagoo balanqaaday inay siwanaagasan ay ula shaqeen donaan midowga arday alnuur.
Midowga aradayda dugsiga indhoolayaasha Al-nuur oo la aasaasay 22.3.2016 ayaa hal jirsaday iyagoo ku taalaabsaday hormar dhinac waliba ah.





