Baaq Isu Tanaasul

admin
4 Min Read

BAAQ

Xisbigga Dimuqraadiyadda iyo Siyaasadda Soomaaliya. SDPP, waa xisbi siyaasadeed oo madax-banaan oo ka shaqeeya arimaha siyaasadda guddaha iyo dibadda, arimaha bulshadda, hormarinta dhaqaalaha, dib,udhiska dalka, sare uqaadidda wax-soosaarka qayraadka dalka, dhowrista deegaanka,dib,uheshiisiinta, nabadda iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed. SDPP oo fadhigoodu yahay dalka Sweden. 

30 Maarso 2016, (Sweden) Guddoomiyaha Xisbigga Dimuqraadiyadda iyo Siyaasadda Soomaaliya. SDPP, Mr. Mataan Ali Hassan ayaa baaq isku tanaasulaat u diraya duubabka dhaqanka ee gobbolka Hiiraan Ee magaaladda Beledweyne. 

Guddoomiyaha Xisbigga Mataan Ali ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go,aanka ay ku dhawaaqeen duubabka dhaqanka gobbolka Hiiraan iney dib ugu biirayaan madasha shirka ka furan yahay ee magaaladda Jowhar taasoo maamul looga dhisaayo gobboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.

Guddoomiyaha Xisbigga Mataan Ali ayaa yiri waa arin aad iyo aad loogu farxo go,aanka geesinimadda leh oo ay ku tanaasuleen duubabka dhaqanka gobbolka Hiiraan oo ay u tanaasuleen bulshadooda, gobbolkooda iyo dalkooda si loo dhiso maamul ay ku midaysan yihiin bulshadda labada gobbol ku nool oo walaalaha ah ee Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe oo ay dantu ugu jirto in ay helaan maamul loo dhan yahay oo u horseeda horummar, barwaaqo, midnimo, caddaalad iyo nabad.

Guddoomiyaha Xisbigga Dimuqraadiyadda iyo Siyaasadda Soomaaliya. SDPP, Mr. Mataan Ali Hassan ayaa baaq isku tanaasulaat u diraya duubabka dhaqanka Hiiraan oo aan ku qanacsaneyn go,aanka kasoo baxay kullankii dhexmaray dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo duubabka dhaqanka Hiiraan kasoo si wadajir ah iskugu raacay in lasii wado dhamaytirka shirka madasha maamul u samaynta ee ka furan magaaladda Jowhar ee xarunta shabeeladda dhexe.

Marka waxaan usoo jeedinayaa duubabka dhaqanka oo qaadacay go,aankaas in ay u taasulaan bulshadooda oo ay ku biiraan duubabka dhaqanka kale oo ay kawada shaqeeyaan sidii bulshadda ku nool labada gobbol ee Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe u dhisan lahaayeen maamul gobboleed.

Guddoomiyaha Xisbigga Mataan Ali ayaa dowladda dhexe ee federaalka ku booriyay in ay ka shaqayso  isku keenista iyo middaynta umadda soomaaliyeed iyo bulshadda ku nool labada gobbol iyadoo geed dheer iyo mid kaaban u fadhiisanaysa maadaama looga baahan yahay howshaas in ay ka gaysato wixii taageero ah oo kala ah dhaqaalaha, farsamadda hab usocodka shirka iyo isku dabarididda iyo waliba amniga goobta shirka uu ka dhacaayo oo ah ahmiyadda koowaad.

Guddoomiyaha Xisbigga Dimuqraadiyadda iyo Siyaasadda Soomaaliya. SDPP, Mr. Mataan Ali Hassan ayaa dhaliil wayn usoo jeediyay hogaamiyayaasha xisbiyadda siyaasadda, siyaasiinta, xildhibaanadda oo caadaystay in ay eeda kaliya dusha ka saaraan dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya oo sida aan wada ogsoonahay ay ku furan yihiin wajiyo fara badan oo waliba dowladda ay tahay dowladd curdun ah oo aan awood badan lahayn oo ay ku maarayso dhibaatooyinka dalka ka jira oo ah kuwo fara badan.

Marka waxaa loo baahan yahay hogaamiyayaasha xisbiyadda siyaasadda, siyaasiinta, xildhibaanadda,ururadda bulshada aqoonyahanadda, culumaa,udiinka in ay doorkooda ka qaataan oo aysan dhicin in dowladda kaliya wax lagu haleeyo ama lagu eedeeyo waayo dowladd waxay dowladd ku noqon kartaa markii bulshadda qeybaheeda kala duwan ka hesho wada shaqayn iyo iskaashi.

Guddoomiyaha Xisbigga Mataan Ali waxaan ugu baaqayaa mas,uuliyiinta xukuumadda hadda jirta hoggaamiya in ay xisbiyadda siyaasadda taladda dalka wadahaladda, dib,u heshiissinta arimaha siyaasadda laga qeyb galiyo oo xukuumadda aysan isku koobin waayo waxaa loo baahan yahay in dadka iyo dalka laga samata bixiyo marxaladihii isoo maray dalka iyo mida hadda taagan maadaama ay jiraan colaado, abaaro iyo amni daro marka dhibaatooyinkaas waxaa looga bixi karaa iskaashi iyo wadashayn. 

Guddoomiyaha Xisbigga SDPP.

Mr. Mataan Ali.


Somaliska Demokrati av Politiskt Parti (SDPP)

Somali Democracy of Political Party (SDPP)

The Chairman of SDPP.
Mr. Mataan Ali Hassan.
Cell-Phone: +46737891062- Sweden.
E-mail: mataan39@outlook.com

Share This Article