Xuska Maalinta Afka hooyo Somaliya

afsomali

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir”, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu Hambalyeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed maalinta qiimaha badan ee Afka Hooyo, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee dalka ay diyaar u yihiin xoojinta Af Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo muhimadda afka hooyo u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

“Afka Soomaaligu wuxuu xambaarsan yahay taariikh, dhaqan iyo hidde ay ummadu ku faani karto, ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto dalalka dunida ee horey u marey, midkoodna heer kuma gaarin luqad shisheeye, waa inaan ku faanaa afkeena, xiriirkeenuna uu noqdaa Af Soomaali”ayuu yiri Ku-simaha R/Wasaaraha.

Maanta oo ah Bisha February 21, 2016, ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga xusay maalinta Afka hooyo, waxana munaasabadda maanta hal-ku dhig u ahayd (U HIILI AFKA HOOYO), iyadoo luuqadda Afka Soomaaliga waqtigii la qorey ay ahayd 1972.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY