Qormo Ku Saabsan Dhaqaalaha Dunida Iyo Qeybaha U Kala Baxo “Warbixin”
Dunida maanta la joogo Dhaqaalahu (Economic) wuxuu kanoqday wax
dhamaan bulshada ku nool Aduunka in ay noqdaan dhaqaalyahano (Economic
minded). Gaar ahaan dadka ku nool dunida sedexaad waxey ogadeen in
Barashada dhaqaluhu(Economics) uu u sahlo xalinta dhibatadooda
dhaqaale iyo tooda bulshadeedba.
Sidaa darteed maadada Dhaqaaluhu maanta waxey noqotey mid aan lasoo
koobi Karin faa’idooyinkeeda, Hadaba waxaa muhiim ah in aan halkaan ku
xusno Madadaasi, inagoo sheegi doona , Asal ahaan erayga economic
meesha uu ka yimid, sidii uu ubaxey,Herarka uu soo marey, Qeybaha uu
ukala baxo ama loo qeybiyo inaga oo adeegsaneyna habka ugu hufsan.
Ecomomic waa maado labarto madadaaso dad badani ku tilmamaan(King
Subject-madadii boqortooyada).
Professor Naiz Ahmed isagoo tusale ka bixinaya ayuu yiri Madaxweynaha
wadankan(Pakistan) Genenal Barfeez Musharaf ayaa markii uu xukunka
qabanaayey yiri “waan garanayaa aqoon badan inkastoo aan garaneyn
Economics waxaana khasab ah in aan barto Dhaqalaha”(isagoo maanta
sifiican ubartey) taasi waxey ku tusinaysaa in aysan aheen maado
raqiis ah.
Madadaani waa maado wax walba ka turjumaysa una sahleysa Hogaanka
wadanka haya in uu sifiican U hago Wadankaas hadii uu yaqaan
Ecomonomics.
Meaning Of Economic
*Erayga Economic waxaa ladhahaa markiisi hore wuxuu ka yimid , dadkii
Greekga oo ay oran jirayn Oikonomes. sida aynuba ognahey dadka Greekgu
waa dadki laga soo garey waxyaabo badan oo hadii aad baarto aad
ogaaneyso.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxey iyagu u isticmaali jireen?
-waxay u isticmali jireen maamulka guriga (Management of house
Affairs). hada su’aasha taal waxa weeye see buu ku noqdey Economics
madaama uu ahaa(Oikonomos)?
Markii ay bilaabmeen kacaankii warshadaha Dowlada Britishku 1770,
waxaa suurta gashey in ay warshado badan bilaabman, hada waxaa la
ogyahey hadi ay wax soo kordhaan in ay wax layimadaan. Kacaankaas ayaa
waxaa bilaabmay dhibato xaga dhaqalaha ah(economic Problem).
Dhibatadaas oo saameysay shaqo
la’an(Un-empleyment),Gadiidka(
Kadib waxey noqotey in loo baahdo sidii loo darsi lahaa
dhibatooyinkaas. Si marka loo darso dhibatooyinkaas soo foodsarey
Dalka Engiriiska ayey noqotey in lagu xaliyo Magaca(Economic). Sidaas
buuna ku noqdey Economic.
Waxaana magaca Economic bixiyey oo awal loo aqoon jiray Oikonomos ku
turjumay luqada uu hada yahey(Economics) Adan-Smith . Waxaana Adan
smith noqdey abihii dhaqaalaha(father of Economic).
1776 ayuu book qorey Adan-Smith wuxuuna ubixiyey ” Wealth Nation”.
Wuxuna ku qeexay “Economic is a science of Wealth”.
Hadaba hadii aynu usii guda galno Qeexitaankaas. Waxey natusinaysaa
erayga “Wealth” oo ah Hanti kana koobma aferqeybood oo kala ah:
1.Wax soo saar(Production)
2.Iswaydaarsi(Exchange)
3.Qaybin(Distribution)
4.Isticmaal(Consumption)
Hantidu( Wealth) maxey Tahey?
Hantidu(Wealth) waa badeecada(Goods) iyo Adeega(service ka).marka
qexidaasi waxey u dhaceysaa Dhaqaaluhu in uu yahey Badeecad iyo Adeeg
gediskoodu(transaction) koodu yahey Lacag.
**Hada waxeynu ogaaney meesha uu ka yimid,sida uu ubaxey iyo qofkii
bixiyey magaca (Economics). Hadaba heerarka uu soo marey iyo inta uu
ukala baxo inaga oo soo kobeyna maxaa yelay halkaan kuma soo koobi
karno Madadaan.**
Ka dib markii horomirin lagu sameeyey lana Balaariyey wuxu
noqdey(Political Economy). Eraygaas oo manta kahadla ama loo
isticmaalo waxyaabo badan oo ah Dhaqalaha Wadan u leeyahey.
Hadaba intee qeyboob baa loo qeybiya ?
waxaa jira laba qeybood oo kala ah:
1.Theoritical Economics
2.Applied Economics.
Hadii aynu ku horeeno Qeybta kowaad
1.Theoritical Economic:
Guud ahaan dhaqalu waa Sceince kaas oo darsa waxqabadka dhaqaalaha
dadka oo ku wajahan nolasha Bulsada.
Hadaba qeybtaan waxey nasiisa Tools aynu u isticmaalno in aan ku
lafagurno Dhibatada dhaqalaha soofood saarta Dadka.
Waxeyna u qeyb santaa labo qeybood oo kala ah:
1.Micno-Economic
2.Macro-Ecnomic
Micro-Economic
Micro waxeynu ogsoonahey in ay tahey waxyar, sidaa darted
Micro-Economic waxaa loo isticmalaa in lagu wajaho waxyaabaha yar yar
ee dhaqaaluhu leeyahey sida dalabka ay leedahey badeecadi(Demand
product) sidoo kaleeto markii shey ama badeecad laqimeynayo waxeyna
uqeybsantaa aftar waxyaalood ay hantidu(Wealh) leedahey sida:
1.Wax soo saar(Production)
2.Iswaydaarsi(Exchange)
3.Qaybin(Distribution)
4.Isticmaal(Consumption)
Macro-Economic
Macro waxey ka timid arey Greek ah oo la oran jiray “Makros” kaas oo
macnihiisu yahey baaxad ama weynaan “Large”. Sidaa darted
Macro-Economics waxaan kubaranaa Qeybaha waa weyn ee dhaqaalaha.
Taasoo natusunaysaa tusala’ahaan (Example)in taan gaar ahaan
Ardey(Student) ka hadli laheen in aan kahadalno Dhamaan waxa dhigta
Fasal.
hadaba qeybtaan waxaa hormariyey J.M Keynes.
Waxeynu ku baranaa qeybtaan wax yaabo badan oo dowlada laxirrira sida:
1 dakhliga ay dowladi leydahey ama(National Income),
2.Ganacsiga Kharajka ama Dibada(Forieng Trade),
3.Qimaha sarifka lacagaha(Exchange rate determination),
4.Dhaqaalaha guud ee bulshada (Public Finance)
5.in loo dhuun daloola wax yalaha keena shaqo la’anta(Un-employment).
6.Koritaanka iyo hormarka(Growth and Development).
2.Applied Economic
Qeybtaan waxaan ku barana in aan ku wajahno wixii aan kusoo baraney
qeybti hore oo aheed Aragti ama figrad maskaxeed oo la
abuuray(Theoritical Economic).
Inagoo kusameynayna xalada xaqiiqda dhaqaalaha uu wadan leeyahey.
inagoo shaqadii qabeynaya ayaan ku wajaheyna(Appley). Tusaale ahaan
,adigoo raba in aad ogaato shaqa lahaanta wadanka ka jirta ama aad
ogaato koritaanka iyo hormarka Somalia ayaad wajaheysaa
Qebtaan(Applied Economic).
W/Q: Abdirizak Jikaart
waa firkrada iyo hal abuurka qoraagga kor ku xusan




