Masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ka qeybgalay Xaflad lagu dhiirigalinayey Arday baratay Farsamada Gacanta

Qaar kamida boqolaalkaan arday oo ka aflaxday xaruunta horumarinta farsamada gacanta ee xayle Bariise ayaa xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay ku soo badhigay qaar kamida farsamooyinkii  ay barteen sida, farsameynta qeybaha korontada, dhisamaha iyo makaanikada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhiirigelinayay ardeydaan oo muddo labo sano ah baranaayay xirfadahaan kala duwan.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Agaasimaha NIIS Foundation Qaasim Gaabow Ducal ayaa shegay In loo baahnayahay in la iska kaashado sidii shaqo loogu abuuri lahaa ardaydan oo dadaal dheer soo galay.

Maareeyaha wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay leedahay barashada farsamada gacanta oo uu sheegay in uu dalku aad ugu baahanyahay, isago dhinaca kale qaar kamida ardayda u ballan qaaday in ay shaqaaleysiin doonaan.

Gudoomiyaha guud ee xaruunta farsamada gacanta ee Xayla Bariise Badri Cabdi Xayle Bariise ayaa xusay in uu aaminsanyahay in uu guuleystay hadafkii xaruuntaan loo aas aasay, maadaama ay soo saartay arday isku filan oo dalkooda wax badan u qaban kara.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Soomaaliya  Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri] oo xafalada soo xiray ayaa sheegay in ay dowladda ka go,antahay In fursad la siiyo dhalinyradda waxbaratay oo uu tilmaamay in ay dalka lafdhabar u yihiin, wuxuuna dhinaca kale shirkaddaha dalka ka shaqeeya kula dar daarmay in aysan shaqada la doonan Ajaaniibta ee ay uga faaiideeyaan dhallinyaradda dalka wax ku baratay.

Qaar kamida ardayda qalin badalatay ayaa ugu dambeyn munaasabadda lagu gudoonsiiyay shahaadooyin iyo qalab casri ah oo ay uga faa’iideysan doonaan farsamadii ay barteen.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY