Ra`iisul Wasaaraha Israel’s Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbigiisa

Ra`iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ku guuleystay codbixin loo qaaday hoggaanka xisbigiisa Likud.

Xubnaha xisbiga oo gaaraya 116,000 ayaa 49% codeeyay.

Ninkii la tartamayay Gideon Saar ayaa qirtay in laga guuleystay, isagoo sheegay inuu haatan taageeri doono Mr Netanyahu marka la gaaro doorashada guud.

Codbixintan ayaa loo arkayay mid lagu tijaabinayo Mr Netanyahu xilli uu wajahayo caqabado badan.

Mr Netanyahu, oo 70 jir ah, ayaa wajahaya eedeymo la xiriira laaluush iyo musuqmaasuq, iyadoo sidoo kale ay doorashadii saddexaad ka dhacday dalkaas muddo sanad gudihiis ah.

Doorashooyinkii hore ee dhacay bilihii April iyo September ayaa xisbiga Likud wuxuu awoodi waayay inuu soo dhiso dowlad.

Mr Saar, oo ah nin caan ah oo xisbiga ka tirsan, ayaa doonayay inuu xisbigu u furo waddo cusub.

Mr Netanyahu ayaa shalay si toos ah bartiisa Facebook uga codsanay xubnaha xisbiga inay codbixinta ka qeyb qaataan.

Waxaa la saadaaliyay inuu ku guuleysan doono hoggaanka, balse wuxuu sameeyay olole ballaaran isagoo doonayay inuu sii hayo hoggaanka xisbiga.

Mr Netanyahu, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee dalkaasi xukumayay, ayaa bishii hore lagu soo oogay saddex dacwadood oo musuqmaasuq ah.

Balse wuu beeniyay jiritaanka eedeymahaas, isagoo sheegay inay yihiin kuwo siyaasad ahaan la soo abaabulay.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY