Oscar Pistorius oo la geliyay xabsi guri

admin
1 Min Read

Oscar Pistorius

BBC Somalia

Orodyahanka ciyaaraha fudud ee Oscar Pistorius ayaa maanta la filayaa in xabsiga laga siidaayo, si inta uga dhiman shanta sano ee xabsiga uu ugu dhammeysto guri.

28 sano jirkan, waxaa lagu helay dembi ah inuu si ulakac ah u dilay saaxiibadiisa, Reeva Steenkamp, waxaana la xiray bishii October ee sanadkii la soo dhaafay.

Ms Steenkamp ina adeerteed, Kim Martin waxa ay sheegay in reerkooda ay aaminsan yihiin in si tartiib ah uu fasax u helaayo, laakiin waxaa loo maleynaayaa inay doonayaan in ay mar un la kulmaan.

Ku dhowaad sanad ayaa hadda laga joogaa markii la geeyay xabsiga Kgosi Mampura, Oscar pistoruis waxaa laga furay albaabada ku xiranaa, 20 daqiiqo ayuuna ku qaatay guriga adeerkii.

Taasina waxaa loo sameeyay si warbaahinta dooneysa inay warkaasi tabiyaan looga leexdo.

 

Mr. Liban

Share This Article