Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo dhisaya iskaashi cusub

Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY