Xafiiska R/wasaaraha XFS oo wada qorshe xal waara looga gaarayo Fatahaadaha soo laalaabta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur galay xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo tegay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga gaarayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka, waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY