
Bangiga caalamiga ee premier Bank ayaa ka hirgaliye xaruntiisa Muqdisho salaxa kuraasata dadka naafada ay ku socdan ku galaan ama baxaan alabaada goobaha dadweeyne ee ganacsiga iyo kuwa danta guud. Dadka naafada somaliyed oo ah kuwo tiro badan oo aan qiyaas sugan laga heynin ayaa waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 15% in ka yahiin bulshad dhexdeeda
Dadka naafada ayaa waxaa caqabad aad iyo aad u weeyn ku aheed sida ay ku helilaheeyn adeegyada kaladuwan uu qabto bangiga premier. Waxaana hubaal ah in dad naafo ay kamidyahiin macmiisha bangiga ku xiran oo lacagaha dhigta ama ka qata amaha ama ka xawisho.
Dadkan qaar badan oo kamid ah ayaa ka muujiye cabasho arinka iyaka oo adeegsanaye wadiiqoyin kala duwan. Mr. Maxamed Cali Farax Gudomiyaha Dalada SODEN Somalia Disability Empowerment Network waxaa uu abuuray Albaabka igafur, isaga oo marar badan ku celceliye muhiimada ay ledahay in Bangigia uu furo alabaabka dadka naafada
Mr. Ismail Ahmed Madaxa hayada SASDI Somali DIsability Schoalrs oo ka mid ah shaqalaha waxaa uu isna dhowr jeer kala hadalay maamulka shaqalaha iyo qaar akmid maamulka bangiga in hirgeliyaan adeeg dadka naafada u sahla gelitaan bangiga. Mr. Abdullahi Hassan Hussein Madaxa Somalia Disability Clsuter ( Tubta Dadka Naafada ) waxaauu abuuray kacaanka Dadka Naafada kaas marar badan kala hadaly arinkan waardiyaha iyo shaqalaha bangiga ugu dambeeyntii waxaa maqaal uu ka sameyearinkan uu ku qoray barta bulsho cabasho xoogan
Ugu dambeeyntii Bangiga Premier waxaa uu qaatay talaabo uu kaga fal celiyo cabashada iyo dalabka dadka naafada oo ah in ay helaan salax ama salaam u sahla gelitanka iyo bixitaanka bangiga si u helan qidmad ay u bahanayhiin. Waxana dhismaha uu ka bilawday Dhamadka Bisha Augost 2019 kaas oo gaba gaboobi doona horaanta bisha Septmeber 2019 isaga oo hada gaba gabo maraayo.
Dadka naafada iyo guud ahaan bulshada somaliyed waa ay ku amaaneeyn shirkada talaabada muhiimka oo ay hada qaaday. Inkastoo ay ku habooneed in goor hore ay qaadaan talaabadan mid la mid ah. Shirka dahabshiil xarunteeda Muqdishu waa ay leedahay salaanka kuraasta dadka naafada. Waxaa kale oo jiro goobo ganacsi oo iyana bilabay hirgleinta
Shrikada bangiga Premier waa mid ku amaanan doorkeda dhanka naafada waxaana jir ay ay shaqalaheda ka midayhiin dad naafo ah. sida ay sheegeyan xogo aan helanay waxaa ka shaqeey dad naafo xirfadleyaal sare oo jaamacada ka soo baxay . waana ay ku amaananatahay shirkada dorkeeda in kastoo ay habooneed in noqdan shaqalaha naafada 10%. iyo dargargelinta mashaariic lagu horumarinayo dadak naafada somaliyed.
Fariinta ugu weeyn waxaa ay tahay in somaliya ay ku biirtay heshiiska caalmiga dadka naafada sanadka 2019 kaa oo ay masuuliyad ka wada saaratahay fulintiisa Dadka Naafada, Shacbiga, Ganacsatada, Beesha Caalamka iyo Hayada Dowlada Federaalka in si wadajir ah isaga kaashadaan taabagelinta iyo fulinta axadiga caalmigadadak naafada





