dadka naafada oo maanta shir saxafadeed ku qabtay magaalada muqdishu iyaga oo dood iyo falanqeeyn arimaha dadka naafada somaliyed heeysta ka hadalay oo ay ka mid tahay dhibaatada dhanka nolosha, xaquuqda, faquuqa iyo takoorka ay ku hayaan wasaarada iyo hayada dowlada somaliyed dadka naafada ah
dadka naafada ayaa cabasho ka muujiyey sida ay ula dhaqmaan madaxada somaliyed oo ah xushmada la,aan iyo balan qaadyo aan lafulin oo markasta dadka naafada ay u qaadaan madaxda dalka horay u soo martay iyo kuwa hada ka taliya masiirka dowladnimada somaliyeed. dadka naafada somaliyed oo lagu qiyaasi cadad qiyaas ahaan 15 boqolkiiba bulshada ayaa waxaa heeysato bahdilaad, faquuq iyo takoor ka dhan ah xaquuqahooda aas aasiga ah.
ma ahan markii ugu horeyse dadka naafada ay fariin iyo baaq gaarsiiyaan dowlada somaliyed uu horkacaya madaxweyne Maxamed C/lahi Farmaajo iyo reeysul wasaare xasan cali qeeyre oo ay mudo labajeer xafiiska kula kulameyn xiligaas oo aay dalbadeeyn abuurida wasaarada dadka naafada metesho, hayada mareeynta arimaha naafada, ansaxinta xeerarka caalmiga xaquuqda dadka naafada iyo ka qeeyb galin dasturka iyo sharuucda dalka sameynta iyo wada tashiga si ay dadka naafada uga mujiyaan doorkooda
dadka naafada ayaa ugu baaqay xukumaada Nabad iyo Nolol oo ay kulamo la qaateeyn dhoowr jeer in ay dadka naafada xaquuqadka aas aasiga in ay helaan
1- ka qeeyb galin arima siyaasada shaqaaleynta
2- abuurida wasaarada ama hayad mareeynta arimaha dadka naafada
3- ansaxinta xeerarka caalimga xaquuqda dadka naafada CRPWDs
4- ka qeeyb gelin dastuurka iyo sharciyada qaranka somaliyed
5- xaqiijinta doorka dadka naafada sharci dajinta Baarlamka in shanta beel powersharing lagu qasbo xibin naafo ah sida dumarka oo heysta 30 boqolkiiba
fariintaan ayaak u socoto dhamaan hayada dowliga sida fulinta iyo sharci dajinta



