Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay muddo kordhinta xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Shir ay ku yeesheen magaalada New York,Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayay ku meel mariyeen qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

Golaha ayaa isku raacay in muddada xafiiska uu shaqeynayo la gaarsiyo ilaa 31 Maarso 2019,si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah oo xafiiskaasi uu ka haya Soomaaliya,gaar ahaan taageeridda barnaamijyada horumarineed ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dalka.

Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya.

Waxaa Sidoo kale qaraarkan lagu ammaanay waxqabadka dowladda Soomaaliya,iyagoo dhanka kale ayaa ku baaqaya in la sii xoojiyo dadaalada horumarineed oo ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Siyaasadda ee QM UNSOM ayaa loogu talagalay in dowladda Soomaaliya uu ka taageero dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha,dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Dalka,waxaana la aas aasey sanadka markuu ahaa 2013.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY