Gabar Madaxweyne Dhalay oo Maqayad Kabaryeeri ka ah

obama familysasha obama

bbc somali

Sasha Obama, gabadha uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa istareexii ay ku haysatay aqalka cad waxay ku beddelatay inay ka shaqayso makhaayad lagu iibiyo cunnada badda, sida ay warinayso warbaahinta Maraykanka.

Gabadha oo 15 jir ah ayaa shaqo xilliga xagaaga ah ka billowday inay raashinka ka iibiso makhaayadda Martha’s Vineyard ee Massachusetts.

Sasha oo isticmaalaysa magaceeda buuxa ee Natasha, ayaa waxaa makhaayadda u raacay koox ka kooban lix qof oo ka tirsan ilaalada aqalka cad ee loo yaqaanno ‘Secret Service’ sida uu qoray wargayska the Boston Herald.

Magaalada ayaa ah goob ay tagaan reer Obama xilliga fasaxa xagaaga.

Sawirro ayaa muujinayey gabadha ugu yar carruurta madaxweynaha oo ku labbisan funaanadda buluugga ah ee makhaayadda looga adeego iyo koofi, kana shaqaynaysa makhalka.

Aqalka cad ayaan wax hadal ah ka soo saarin akhbaartaas, laakin marwada 1aad Michelle Obama ayaa ka hadashay inay isku dayayso in labadeeda gabdhood ay nolol caadi ah ku noolaadaan intii macquul ah.

Kooxda amaankeeda ilaalinaysa ayaa lagu arkay iyagoo ku dhex sugaya gaari meel u dhow makhaayadda yaalla, ama fadhiya kuraasta, inta ay gabadha 1aad cunnada ka iibinayso dadka dalxiisayaasha ah.

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY