Koowda luulyo oo si’wayn looga xusay dalka Turkiga “Sawiro”

admin
3 Min Read

Magaalada Istanbul dalka Turkiga waxa lagu qabtay Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen Dhamaan ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata Dalkan Turkiga,

 

Waxana kasoo qayb galay dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga ,Ardayda sidoo kale ganacsatada ayaa iyagana kasoo qayb galay ,

 

Dhinaca kale waxaa lagu casuumay Munaaasabadan mas’uuliyiin kasocaday dowlada soomaaliya gaar ahaan safaarada soomaaliya fadhigeedu yahay Magaalada ankara Mud Cabdulqaadir Barqadle, sidoo kale Cabdixafiid Maxamed Xirsi oo ka socday dowladda hoose ee gobolka Benaadir,

 

Munasabada ayaa ahayd mid looga hadlayay xoriyada soomaaliya ayaa waxa ka hadlay Masuuliyiinta kala duwan ee lagu martiqaaday ,ugu horen waxa ka hadlay Mudane Abduqaadir barqadle oo kasocday Safarada soomaaliya ,wuxuuna aad uga hadlay qiimaha xoriyada ayledahay, sidoo kale Masuulkan ayaa sheegay SYL ururkìi gobanimada inoo dhaliyay dhalinyaro ka dhaaratay qabiilka ,taasi ay tahay waxa kaliya loo bahan yahay in dhalinyarada qabtaa lada ka xoroobaan,

 

 

Sidoo kale waxa Munasabadan ka hadlay Mudane abdixafiid mudanahan ayaa qudbad dheer ka jeediyay madashada wuxuuna ka hadlay horumarka dalka ka jira iyo iskashiga shacabka  uu yahay mid guul lagu gaari karo ,sida hada dhalinyaradan isu kaashadeen ayaa tusaale idiin ah , isagoo hadalkiisa mudanaha wata ayuu sheegay in dhalinyarada afkooda hooyo kor u qaadan iskuna dayaan in ku faaanaan kuna hadlaan luuqada Soomaaliga ,

 

 

Ugudambeen waxa Munasabada ka hadlay gudoomiyaha Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Istanbul; mudane Ibraahim Axmed Shire iyo guddoomiyaha guud ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed Ee Turkiga mudwne Maxamed Cabdullaahi Xaashi. Labadooda waxay aad ugu mahadceliyeen ardayda Turkiga oo garab ween ka geestay barnamijkan qabsoomidiisa waxayana ugu baqeen dhalinyarada soomaaliyeed midnimada in laga wada shaqeeyo,

 

Sidoo kale waxay ardaydu soo bandhigeen barnaamijyo xiiso badan oo isugu jira, heeso waddani ah iyo majaajilo qiiro waddaninimo ku reebtay dadweynihii xafladda kasoo qeyb galay.

 

 

Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga waxay maalinta xurnimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kaste oo ay caalamka ka joogaan.

????????????????????????????????????

FB_IMG_1467468060604

FB_IMG_1467467961024

 

FB_IMG_1467468049049

FB_IMG_1467467935097

FB_IMG_1467467873815

FB_IMG_1467467901284

FB_IMG_1467467846862

FB_IMG_1467467806440

FB_IMG_1467467738970

FB_IMG_1467422860809

FB_IMG_1467422875042

FB_IMG_1467422843922

 

 

FB_IMG_1467422818826

WQ kamal.

Share This Article