Xoghayaha Qaramada Midboobay M.Keating ayaa tageeray go,aankii madaxwayne Hassan sheikh qaatay ,

admin
1 Min Read

Ergayga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xeerka uu madaxweynaha Soomaaliya ku ansixiyay hannaanka doorashada Soomaaliya ee 2016.

Keating ayaa tallaabada madaxweynaha ku tilmaamay mid muujinaysa in doorashadu ay ku dhici doonto wakhtigii loogu talagalay.

Keating ayaa qeexay in xeerka madaxweynuhu uu dastuuri yahay, mar haddii hay’addii sharci dajintu ay go’aan arrintaasi ka soo saari waysay.

Michael Keating oo wareysi gaar ah siiyay VOA, ayaa sheegay in shaqada beesha caalamku tahay in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, ciddii isku daydana inay carqaladeyso arintaasina ay la macaamili doonaa. hassan-and-Un-envoy-keating

Dhanka kale baarlamaanka ayaa isagana ku kala qaybsan aritooda ku aadan go.aanka madaxwaynaha uu qaatay ee arimaha doorashooyinka .

waxana sacadaan kadib la guda gali-doonaa ololahii diyaar garowga doorashooyinka  .  qaabka ay u dhaceyso dooraashada iyo sidii losoo xuli lahaa golayaasha kala duwan ee matali doonaa dowlada soosocda august

 

 

 

 

 

Share This Article