Wasaarada Maaliyada oo hakisay canshuurta qaar

dowladda somalia

Iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.

Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaaladda ammaan xumo ee dalka ka jirtay muddada dheer, taas oo sababtay in aan la qaadi karin canshuurihii ku waajibay ganacsatada suuqyada ayaa wasaaraddu si ay u barto ganacsatada waxaa lagu soo rogay 2014-kii iney bixiyaan ganacsatadu khidmad 20 doolar ah.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duuduub ah, ayaa  gabi ahaanba la joojiyey 20-kii doolar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21/10/2015.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa iyadoo la raacayo shuruucda dalka ka jirta.

Ugu danbayntii Wareegtada ayaa lagu xusay in laamaha ilaalinta canshuuraha ay gacan buuxda ka geeystaan kaalintooda ku aaddan kor u qaadidda sidii loo ururin lahaa canshuuraha

  • Related Posts

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    ururada dadka naafada oo gacan xoogan ka geeystay ciidsiinta dadka naafad xiligan adag oo ay somaliya ka jirot xaalado qilaafo siyaasaded, sameynta cudurka covid19 iyo daadad biyo laga soo shegeyo…

    Dadka Naafad oo Cabasho ka ah Ansaxinta Xubnaha Sare Hayada Naafada Qaran

    21 Janayo 2021 MAALIN MADOOW EE NAAFADADadka naafada ayaa u arka maalin madow kadib ansaxinta xubnaha sare hayada naafada si anan sharci aheyn. Waxaana lagu xad gudbay xaquuqda iyo xaq…

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY