Hay’adda duulista Hawada oo walaac ka muujineysa maamulka Hawada Soomaaliya

Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo saddon sano kaddib ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya ayaa wal wal ka qabto in markale dib loogala wareego maamulka Hawada.

Mudane Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xusay in shirciga duulista rayidka ay wax badan uga xiranyahay howlaha hay’adda duulista

“13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka in 4-tii bishan ay meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada, waxaana uu Xildhibaananda Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharciga ansixiyaan, maadaama uu muhiimad gaar ah u leeyahay guud ahaan Soomaaliya.

Mudane Axmed ayaa tilmamay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saartaa 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay hay’adda soo saari doontaa ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka.

  • Related Posts

    Inclusive for all election training workshop

    Two days training for inclusive for all election is finalized in Mogadishu for the civil society clusters the training is joint work for the members of the clusters the 40…

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    On Saturday 29 may  2021 in Mogadishu the  monthly  disability cluster is held  in the IEDP conference hall for the members of the cluster . the meeting participants were some …

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY