dadka naafada iyo wakiilada ururadooda iyo aqoonyahano rag iyo dumar ah ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheyn maagalada muqdishu. kulankaa oo ay kasoo qeeyb galeyn 30 qofood ah dadka naafada udoodo iyo kuwa madaxada u ah hayada dadka naafada ay leeyahiin
kulanka ayaa waxaa looga dooday hindise sharciyeedka dhismaha hayada dadka naafada ah oo kasoo gudbay baarlamnak golaha shacbiga, hadana la horkeyna golaha Aqalka sare qamiista 06 december 2018
dadka naafada ayaa uga mahad celiye madaxweynaha jamhuriyada federaalka baaq uu jeediye maalinta dadka naafada aduunka isga oo dadka naafada somaliyed iyo kuwa caalamka la wadagay dareeynka iyo malinta naafada farxadeeda
dadka naafada ayaa si weeyn uga dooday xogta iyo warbixino ku saabsan sharciga naafada iyo sida dadka naafada ay baarlamanka aqalka sare ay ula kulamilaheyn si ay sharciga wadtashi ugala sameyan xildhibanada iyo gudiga xaquuqul insaanka ee aqalka sare oo hoowsha gacanta ku haya
dadka naafada ayaa soo saaray baaq 5 qodob ah
- in la joogteeyo kulamda dadka naafada dhexdooda iyo kuwa dadkale ay la yelankaraan si loo wadaago xogta iyo macluumad ku sabsan arimaha dadka naafada iyo sharcuucda socda
- in dadka naafada ah ay iska soo xulaan 5 xubnood oo muhiim, kuwaa oo ku matelikara dadka naafada. kuwaa oo loo soojedinaya in ay nodaan dadka hayada naafada qabanaya aya loo dhibikaro. waxaana lagu soo xulanayaa aqoon, waayo aragnimo, xog ogaalnimo, wadashaqeeyn, karti iyo daacadnimo
- in dadka naafada u diyaar garoobaan lakulanka baarlamanka golasha hsacbiga iyo aqalka sare si sharciga dhismaha hayada dadka naafada looga dhig mud hufan oo dadka naafad siin kara awood iyo madaxbanaani hoowlaha dadak naafada quseeyo
- dadka naafad waxaa ay baaq u dirayaan madaxada ugu sareeysa dalka in dhegeeystaan cabashada ka dhanka ka qeeyb galin laa’n iyo hor istaag in ay ka talabixiyaan dhismaha hayada naafada qaranka iyo doorkadadka naafada oo aan cadeeyn
- wargelin dadka naafada in ay ogaadaan dhismaha hayada naafada qaranka. cidkasta oo daneeyneysa ay u soo diyaargarowda tartan xubinimada iyo ka midnoqshada gudiyada shaqo. cidkasta oo naafo ah daneeyenysa arinka in ay soo diyargareysto dhamaan dukumintisak muuhimka





