Ciidamada NISA ayaa soo Afjaray Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood

admin
2 Min Read

images-5Ciidanka NISA  ayaa ku guuleysta in la soo afjaro  howl gal saacado qaatay  kaddib markii koox hubeysan oo ka tirsan argagixisda Al-Shabaab ay galeen Hotelka Naasa Hablood 1 ee ku yaal Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Inta aysan gelin Hotelka ayaa kooxdi UGUS ka tirsaneyd waxa ay  toogteen haween ku  ganacsanayay afaafka hore ee Ho,telka iyadoo gaari wax yabaha qarxa laga soo buuxiyay la eegtay ilinka hore ee Hotelka  Naasa Hablood  kaa oo gestay qasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobta ayaa waxa durba gaaray gaadiidka gurmadka deg daga iyo kuwa dabdamiska ah iyo ciidmao ka tirsan dowlada inta uu howlgalka socday ayaa waxa ay toogten ciidanka maleshiyaadkii  UGUS  ee ka dagalamayay gudaha Hotelka, iyadoo ay ciidamada ku guuleysteen inay soo badbadiyaan tiro dad ah oo gudaha hotelka ku xanibnaa.

Dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka ayaa waxaa ka mid ah labo  dhaqtar oo uu  kamid yahy Dr   Ducaale Aadan Shahiid.

Afhayeenka Wasaradda amniga    Cabdikaamil  Shukri  oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA ay gudaha hotelka u galeen, halkaasi oo ay ku dileen saddex ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee gudaha hotelka ku jira.

9MKwD3PcN4VLh7wPB100Y5hv9jKuDXDNisNBqFtctDrIj4xmprU5xRyeQOr-Tc9lqkybLUF-KLWfTRkjla3KtAtoSYyx7yRUj4RZe4QYUcO7Fuc2ZA=w470-h313-ncAfhayeenka ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 11 qof oo shacab ah oo ay ku jiran labo dhaqtar.

 

 WQ kamal Hassan 

Share This Article