Dawladda Shiinaha oo shaacisay in dadka u dhintay Caabuqa Karoona ay Gaareen 2,345 oo Qof

Wararkii u danbeeyey ee kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegaya in dadka la xaqiijiyay ee u dhintay Viruska Coroona ay tiradoodu gaartay 2345.
Dawladda Shiinaha ayaa waaberigii saaka oo sabti ah shaacisay xog cusub oo ku saabsan faafitaanka fayraska corona iyadoo cadaysay dhimashadu inay sii siyaadayso sidoo kale faafitaanka cudurka iyo dadka uu haleelay ay kor u keceen.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga Caafimaadka Qaran ee Dawladda Shiinaha ayaa si faah-faahsan u sharaxay in cudurka Coroona uu saacad kasta ku faafayo gudaha dalka iyo dalalka deriska la ah, taasoo xaaladda sii adkaysay.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa cudurka Coroona ku tilmaamtay shaydaan aan isla markiiba laga hor tagi karin, waxay intaa ku dartay in qaabka uu ugu faafayo gudaha shiinaha ay tahay mid ku dhacaysa deg deg, taasoo laamaha caafimaadk aaan u suurta gelin karin inay iska difaacaan ama la dagaalamaan faafitaankiisa.
Guud ahaan dadka uu cudurkaani haleelay ayaa la sheegayaa inay tiradoodu gaartay ku dhawaad 76,000 oo qof, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalada Shiinaha.
Dowalada shiinayaha ayaa aad uga walaacsan mareeynta iyo ciribtirkacudurka feerysuka karoona. Waxana laga casbi qaba in cudurka uu ku faafo dadka iyo dalka. Waxyabaha la qorsheynaya waxaa kami ah radiinta dawo baabinkarta xanuunkan, tarnkiil in dadka qabo cudurka si qaas ah loo tarankiilo iyo dadka cudurka qabo la dilo oo ah xalka ugu dambeya oo ay maciinbidikarto xukmada beeyjiin.



