
Shiikh Cumar Cabdi Gudomiye Ku Xigeynka Golaha Naafada qaranka somaliyed oo iclaamiye shir deg deg xubnaha golaha naafada qaranka, golaha naafada gobolka banaadir, ururada naafada maamul goboleedyada, ururada bulshada rayidka dadka naafada, naafada xooga dalka iyo aqoonyahnada naafada in ay isugu yimadan kulan deg deg ah looga arinsado masiirka dadka naafada.
dadka naafada waxaa ay halgan iyo kacaan dheer u soo mareyn hanadashada hayad dowli ah iyo ka mid noqoshad dowlada. waxaana aad iyo aad ugu mahadceliyen Wasirada xaquuqul insaanka, madaxada dowlada federaalka Xasan Cali Qeeyre iyo Madaxweynaha Maxamed Cabdulahi Farmaajo. oo u mujiey dadka naafda naxariis iyo dhego nuglaan
waxaan aan walaac xoogan ka qabanaa in la xaqiro dikeertada madaxweynah 31 december 2018. taa oo ah in dadka naafada laga latashada dhismaha hayada naafada qaran iyo qaabka xulashada. waxaan ka digeeynaa in dadka naafada aan xaquuqdooda lagu xadgudbin.
waxaan fariin u direeynaa reeysula wasaaraha, guodoonka labada baarlamaan iyo madaxweynaha jamhuuriyada federalka somaliyed in ay il gaar ku eegaan xadgudubka dadka naafada lagu hayo.



