Madaxweyne Abdiweli Gaas ayaa Xilal ka qaaday Saraakiisha Hay,ada PIA puntland .

admin
2 Min Read

GAlargeROWE ,Madaxweynaha  Maamulka Puntland ayaa maanta xafiiskiisa kasoo saarey wareegto taasoo   xilalka lagaga qaaday Taliyaha ciidamada PIA ( Puntland Intelegence agency)  Sharmake Shiikh Doon iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan.

Xilalka ay baneeyeen saraakiishaan ayaa waxaa  loo kala magacaabey G/le Dhexe Maxamud Cabdi Maxamed Taliyaha ciidanka hay’ada PIA, ku xigeen G/le Dhexe Saciid Salaad Maxamed halka Taliyaha ilaalada xarunta hay’ada PIA ka dagan tahay magaalada Garowe loo magacaabey G/le Dhexe Cabdulqaadir Jaamac Maxamed.

Xil ka qaadista saraakishaan ayaa timid xilli howlihii hay’adaan muddo hakad ku jireen kadib markii khilaaf xoogan soo kala agaasimaha PIA iyo hor joogayaasha ciidanka kuwasoo diidey in madaxda hay’adaan ka amar qaataan.

Xogogaal Garowe online la hadalay ayaa sheegey in sababta keentey wada shaqeyn la’anta saraakiisha iyo agaasimaha hay’adaan tahay kadib markii Madaxweynaha Puntland wareegto ku wada magacaabey dhamaan howl wadeenada PIA.

” Waa talaabo cusub in wareegto lagu soo magacaabo howl wadeen walba oo ka shaqeeya hay’ada, taasoo keeneysa xitaa  in Taliyaha  madaxda ka ah ciidanka ilaaliya aqalka hay’ada Garowe ka dagan tahay Garowe agaasimaha iyo ku xigeenkiisa xilka ka qaadi karin hadii shaqadiisa gudan waayo”

 

Ha’yada PIA oo ka shaqeysa Sirdoonka Puntland ayaa ciidamada ka howlgala yihiin kuwa kooban halka xubnaha madaxda ka ah, agaasimaha iyo ku xigeenkiisa toos u hoos yimaadaan xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Howlaha hay’adaan ka hayso amni sugida Puntland ayaa hoos u dhacdey kadib markii ay ragaadiyeen is-qaqabsi u dhexeeya howl-wadeenadeeda kuwasoo ku wada magacaaban wareegto Madaxweyne

1465929538.9YWvuUBtR810D3xB

 

WQ Kamal Hassan

Share This Article