Wasiirka Maaliyada DFS ayaa Heshiis mishaar bixinta Dowlada iyo Maamulada la saxiixday Bangiga Aduunka .Aqriso.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Farkeeti ayaa magalaada Nairobi kula saxiixday Bangiga Aduunka heshiis Mudo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dhan 144 milyan oo doolar,taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti),iyadoo dhanka Bangiga aduunkana ay u saxiixday Mss Bella Bird oo bangiga aduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka maaliyadda ee mamulka Puntland,wasiirka maaliyadda Jubbaland iyo wasiirada Maaliyadda Galmudug iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale dhankooda ka saxiixay qaar ka mid ah wadamada deeq bixiyaasha ah ee lacagtan bixiyay oo ay ka mid ahaayeen Midowga yurub iyo dowlada talyaaniga,waxaana dhanka dowlada talyaaniga u saxiixay safiirka dowlada talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Fabrizio Marcelli,halka midowga yurubna ay u saxiixday Mss Daria Fane.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kadib saxiixa heshiiska u sheegay warbaahinta in mashruucan oo ay ku kaceyso lacag dhan 144 milyan oo doolar uu yahay wajigii labaad oo ay dowlada Soomaaliya la saxiixato Bangiga Aduunka.

Wasiir Fargeeti ayaa intaasi ku daray in dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyadaba ay si wanaagsan u maamuli doonaan lacagtan oo aysan mari doonin meel aan ahayn halkii loogu tala galay.

Bangiga aduunka iyo wadamada deeq bixiyaasha ayaa sanadihii ugu danbeeyay dhinacyo badan ka taageerayay dowlada Soomaaliya, oo ay ka mid tahay dib u habaynta maamulka maaliyadda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

 201627635904298654299918Wasiirka_Maaliyadda_Somalia_Ansixin_660

  • Related Posts

    Inclusive for all election training workshop

    Two days training for inclusive for all election is finalized in Mogadishu for the civil society clusters the training is joint work for the members of the clusters the 40…

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    On Saturday 29 may  2021 in Mogadishu the  monthly  disability cluster is held  in the IEDP conference hall for the members of the cluster . the meeting participants were some …

    You Missed

    Somali government issue public lands limit degree

    Inclusive for all election training workshop

    Inclusive for all election training workshop

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali disability cluster fifth meeting 2021

    Somali National Disability Agency

    Somali National Disability Agency

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    sidee ayay dadka naafada u ciideeyn

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY

    FACT SHEET ON SOMALI DISABILITY