{"id":583,"date":"2015-10-08T07:10:09","date_gmt":"2015-10-08T04:10:09","guid":{"rendered":"http:\/\/somalionlinemedia.com\/?p=583"},"modified":"2015-10-08T07:10:09","modified_gmt":"2015-10-08T04:10:09","slug":"r-w-kxigeenka-xukuumada-oo-qaabilay-wafdi-ka-socday-dowladda-switzerland","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/faafitv.com\/?p=583","title":{"rendered":"R.W. K\/xigeenka Xukuumada oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland"},"content":{"rendered":"<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\"><a href=\"http:\/\/somalionlinemedia.com\/wp-content\/uploads\/2015\/10\/swezerland-team.jpg\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-585\" src=\"http:\/\/somalionlinemedia.com\/wp-content\/uploads\/2015\/10\/swezerland-team-300x200.jpg\" alt=\"swezerland team\" width=\"300\" height=\"200\" \/><\/a><\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\"><strong>Muqdisho, October 6, 2015&#8212;&#8212;-<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.<\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\">Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale, ka mid ahaa Prof. Iur. Kurt Nuspliger oo ah khabiir dhanka arrimaha Federaalka, waxaana kulanka labada dhinac diirada lagu saaray habka Federaal ee ugu haboon ee Soomaaliya lagu dhaqi karo, maadaama ay jiraan habab kala duwan oo dowladdaha caalamka ee qaatay Federaalka ay ku dhaqmaan.<\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\">Labada dhinac ayaa si qota dheer isula eegay noocyada kala duwan ee Federaalka, waxaana tusaale ahaan ay u soo qaateen 5-ta tiir ee habka Federaalka udub dhexaadka u ah.<\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\">Danjiraha dowladda Switzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, ayna haatan doonayaan inay ka taageeraan sidii ay u heli laheyd Nidaam Federaal oo ku haboon, maadaama caalamku ku dhaqmo noocyo kala duwan oo Federaal ah \u201cWaxaan arrintan u xilsaarnay khubaro ku xeel dheer arrimaha Federaalka, waxaana rajeyneynaa in la helo habka ugu haboon ee Federaal ee Soomaaliya ay ku dhaqmi karto\u201d ayuu yiri Danjiraha Switzerland isaga oo intaasina raaciyay in dhanka dhaqaalaha ay gacan ka geysanayaan fulinta qorshahan.<\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\">Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh oo iska kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wafdiga iyo xubnaha khubarada ah ee la socda isku daygooda sidii loo heli lahaa Nidaam Federaal ah oo ku haboon dalka Somaaliya, wuxuuna xusay in Xukuumada Soomaaliyeed oo kaashaneysa hay\u2019addaha ay khuseyso arrinkan ay ku dadaaleyso sidii looga talo gelin lahaa, si ugu dambeynta loo helo habka ugu haboon ee Federaal ee dalka Soomaaliya lagu dhaqo.<\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: center; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"center\"><strong>&#8212;Dhammaad&#8212;&#8211;<\/strong><\/p>\n<p style=\"margin: 0px 0px 1.3em; padding: 0px; text-align: left; color: #555555; line-height: 1.5em; font-family: 'Helvetica Neue', Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 15px; vertical-align: baseline; unicode-bidi: embed; direction: ltr;\" align=\"left\"><strong>Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka <\/strong><br \/>\n<strong>Muqdisho, Somalia <\/strong><br \/>\n<strong>media.opm@gmail.com <\/strong><br \/>\n<strong>Twitter: @SomaliPM<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, October 6, 2015&#8212;&#8212;-Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale, ka mid ahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":585,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_bbp_topic_count":0,"_bbp_reply_count":0,"_bbp_total_topic_count":0,"_bbp_total_reply_count":0,"_bbp_voice_count":0,"_bbp_anonymous_reply_count":0,"_bbp_topic_count_hidden":0,"_bbp_reply_count_hidden":0,"_bbp_forum_subforum_count":0,"content-type":"","wprm-recipe-roundup-name":"","wprm-recipe-roundup-description":"","footnotes":""},"categories":[10],"tags":[],"ppma_author":[183],"class_list":{"0":"post-583","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-somali-news"},"authors":[{"term_id":183,"user_id":1,"is_guest":0,"slug":"admin","display_name":"admin","avatar_url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/e2230b2cd869f5a19d3c243e4a0524af083a4461319b6a5e8449b027ba16c929?s=96&d=mm&r=g","0":null,"1":"","2":"","3":"","4":"","5":"","6":"","7":"","8":""}],"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/583","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=583"}],"version-history":[{"count":0,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/583\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=\/"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=583"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=583"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=583"},{"taxonomy":"author","embeddable":true,"href":"http:\/\/faafitv.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fppma_author&post=583"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}